MA FAHANTAA MARKA XAASKAAGA SIDAAN KUULA DHAQANTO

                                                                                             Had iyo jeer waxa inta badan xiriirka ka dhaxeeya lamaanaha go’aanka lagu kala tago gaadha haweenayda. Sababtuna ay tahay ayada oo waqti badan u sabraysay ninkeeda laakiin uu asaguna ka war hayn dhibaatada ay tabanayso. Raguna ma fahmaan calaamadaha muujinaya in ay xaasku doonayso isbadal ama xidhiidku ku dhawyahay dhamaad. 
Macaaneey maxaad iigu sheegi wayday, waxa aan u moodaayay in dhib ka jirin qoyska dhexdiisa, ayay dhahaan ragu marka xaasku dalbato furiin. 
Xaaska ayaa si kasta ugu sheegtay ninkeeda in ayna raali ka ahayn sida uu u dhaqmayo oo ay dhibaato jirto. Laakiin asaga ayaan fahmin calaamadaha ay ku tusaysay in ayna faraxsanayn. Waxa dhacda mararka qaar in ninku yara dareemo in dhibaato jirto laakiin aanu fahmin. 
Waxa laga yaabaa in ay xaasku alaab ku hor jajabisay ninkeeda ama ay habeenkii sariirta dhabarka u soo jeediso waqti dheer laakiin aanu fahnin waxa ay sidaa u samaynayso. Arintanina waa mid jirta oo ah in uu ragu fahmin xaaskooda. 
Ma aha mid la yaab leh marka ay xaasku dalbato furitaan in ay ninka kadis ku noqoto hadii uu ahaa mid aan u  fiirsan jirin digniinaha ka iman jiray xaaska. 
Masuuliyada lamaanaha saaran
Masuuliyadu waxa ay saaran tahay labada lamaane. Haweenkuna waxa ay dani ugu jirtaa in ay ragooda u cadeeyaan waxa ay ka cabanayaan. Hadii ay xaasku ayna ogayn waxa ay ka cabanayso way ku adkaanaysaa in uu ninkuna fahmo. 
Calaamadaha laga arko xaaska marka  ay ka daashay  cabashada iyo digniinta oo ay furitaan rabto. 
Waxa ay rabtaa in aad wax ka badesho labiskaaga
Adigu waxa aad u malaynaysaa in ay kula talinayso oo kaa fikirayso. Laakiin xaqiiqdu waa ayada oo aan kugu qanacsanayn. Waxa ay rabtaa in ay kaa dhigto qof kale, oo shidan. Kumana guulaysan doonto. Taasina waxa ay wadadu u furaysaa in ay furitaan dalbato. 
Kuma qososho sheekooyinkaaga shactirooyinka ah
Awal waxa ay ku qosli jirtay sheekooyinkaaga majaajilada ah. Hada ayada oo xanaaqsan ayey ku dhahaysaa hore ayaad taas iigu sheegtay. Runtii waxa aad sheegaysaa ma jiraan. Waad ka badbadinaysaa. Waxa ayna kuu aragtaa mid daalinaya oo ay ogthay sheekada uu rabo in uu kaga qosliyo. 
Isuma kaa quxiso
Waxa aad  arkaysaa xaaska oo ay ku baxeen timaha kilkilada iyo meelo kale ama ayada oo aan haysan waxa ay timaha ku xiirto. Waxa kale oo aad dareemaysaa in ay ahayd waqti dheer xili ay xidhatay dharka sariirta ee raaxada ee quruxda badan. 
Waxa ay rabtaa in aad isugu raaxaysaan hal hab oo kaliya
Waxa ay rabtaa in aad u raaxaysataan hal hab oo ay ogtahay ay ka helayso dareen fiican isla markaana ayna ayadu hawl dareemeeyn. 
Aan kuu samaynayn wax kaa farxiya
Maka xaasku joojiso in ay kuu samayso cunto iyo wax kale oo kaa farxiya adiga oo aan ogayn ayaa waxa ay ka dhigan tahay in ay kaa daashay. Laakiin waxa ay taasi dhacdaa waqti dheer ka dib marka aad fahmi waydo. 
Shaah karsanaysa kaligeed
Marka ay xaasku kaligeed karsato shaah ama samaysato wax ay cunto oo ayna xataa ku waydiinayn in aad adiguna rabto ayaa waxa ay ka dhigan tahay in ay aad u xanaaqsan tahay. Su’aasha meesha ku jirtaana waa maxay waxa uu aad sameeyay ee sidaa uga caraysiiayay? 
Ayna ku salaaxayn
Hadii aad xusuusatid xilgii hore ee ay kuu soo dhawaan jirtay, garabaatiga kuu toosin jirtay, wasaqda shaatigaaga ka kor qaadi jirtay, qoorta gacanta kaa marin jirtay, xiligaas ayaa ahaa xili ay kaa heli jirtay oo ay ku tusi jirtay in ay rabto in aad isla raaxaysataan. Hadii ay joojisay arimahaas iyo kuwa kale ayaa waxa ay ka dhigan tahay in ay dareen kuu qabin. 
Marka aad waydiisid ma i jeceshahay
Marka hore waxa ay ku dhahaysaa waan ku jecelahay, ka dibna waxa ay bilaabaysaa in ay ku dhahdo waan kaa helaa marka u dambaysana waxba ma ku dhahayso. Marka aad waydiiso ma I jeceshahay ayaa waxa aad u dhacay qiimihii aad agteeda ku lahayd. 
Aan ku dhiiri galinayn
Raga ayaa mararka qaar ah qalbi caruur oo jecel in ay lahaadaan xaas dhiiri galisa, isla makraana mahadisa. Taasna way ogtahay haweenay kastaa. Markaa hadii ay joojiso in ay ku dhiiri galiso ama ku mahadin waydo ayaa ah arin ay kas u samaysay. Waliba hadii ay dad hortii kugu canaanato ayaa waxa ay ka dhigan tahay in ay aad kaaga soo booday. 
Waxa aad si kadis ah u bilaabteen nolol cusub oo raaxaysi galmo badan leh
Waxa ay samaynaysaa hab cajiib ah oo galmo ah oo aydaan hore u samy jirin, hab aad ku fikiri jirtay in ay kuu samayso. Dumarkuna inta badan ma akhriyaan buugaag ku saabsan hababka galmada, saaxiibadeedna uma sheegaan hababka. Hadaba su’aashu waxa ay tahay halkay ka soo baratay habkan? 
Habeenkii banaanka ku maqan
Hadii ay goor dambe habeenkii timaado guriga oo ay dhahdo waxa aan ku gam’ay xafladii, ma aha mid dhab ah. Waxa jira rag taas rumaysta. Taasina waa calaamadadaha ku tusaya in ay ragu fahmin digniinaha xaaskooda. 
Kula murmaysa in aanu hawsha guriga ka caawin
Ninku waxa uu u malaynayaa in uu caawiyo xaaskiisa, laakiin ayadu uma aragto sidaas. Marka uu ninku la qaybsado howsha guriga ayy xaaskiisu waxa ay u aragtaa in uu jecel yahay. Laakiin hadii uu caawin waayo ayaa ah in uu uusan jeclayn. Howsha gurigana waa ay wadi kartaa inta ay dareemayso in uu jecel yahay. 
Ula dhaqmaysa sidii wiilkeeda
Ninku waa in uu iska ilaaliyaa oo aanu noqon mid ka mid ah caruurteeda. Hadii uu ninku lahaan waayo waxa lagu qiimeeyo ragnimada oo aanu caawin xaaskiisa xiliyadii ay caruurta dhaleen ayaa waxa halkaa ku dhamaaday in ay xaas kuu noqoto, laakiin sidii hooyo oo kale ay kuu tahay. Waxa ayna kuu aragtaa mid ka mid ah caruurta guriga joogta oo ay xanaano siinayso. Hooyadun mar ay ahaatoba waxa ay jeceshahay in caruurteedu isdabaraan oo ay guriga ka baxaan oo ay guryo yeeshaaan. Adiguna maadaama aad ka mid noqotay caruurteedii ayaa waxa aad aad tahay midka ay rabto in uu guri kale helo. 
Saynab Adan Ali
Djabouti
Ladaneey Magazine 
Adiguna ka dhiibo rayigaaga!

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: